Kenya oo Sheegtay in 3 ruux oo laga afduubtay  ismaamulka mandheera Ay Uga shakisantahay inay afduubteen Al-Shabaab.

0

Waxaa la sheegay in Dagaalamayaasha al-shabaab loogu shakisanyahay in  ay 3 ruux oo kenyaan kuwaas oo laga afduubteen ismaamulka mandheera ee Kenya.,

Dhacdadaasi  ayaa waxa ay dhacday  abbaare afar iyo barkii galabnimo arbacadii shalay ,  madaxa qaybta dambibaarista ee ismaamulka mandheera Benedict Kigen ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen fuundiyaal kuwaas oo magaalada lafey shaqo ugu socday.

Mr. kigen waxa uu sheegay in Dhacdadaan ay ka dhacaday meel 28 km u jirta magaalda Lafey,   gaariga BL-ka ah oo ay ku safrayeen waxaa joojiyay dad hubeysnaa oo looga shakiyay in ay ahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,  sido kale waxa uu in sheegay in 3-da dhibane ay magaalada Mandheera ay ku cusbaayeen.

Kooxaha nabad sugida ee Kenya ayaa hadda waxa ay ku raadjoogaan halka ay ku suganyihiin dhibaneyaasha la afduubtay xili laga baqayo in dagaalamayaasha wali ay ku sugan yihiin halkaas

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here