Nin la sheegay in uu damacsana in hoobiyaal uu ka tuuro dagmada deyniile ayaa waxa la sheegy in ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka Amniga howlgal ay ka fuliyeen Degmada Dayniile ay ku soo qabteen dhagarqabe ka tirsan Dagaalamaayaasha Al-Shabaab.
Mudane Tuulax ayaa xusay in dhagarqabaha oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xassan Cali kana tirsan Dagaalamayasha Al-Shabaab oo doonayey in uu rido hubka loo yaqaano R.B.D si uu u dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qorshaha uu maleegayay dhagarqabaha, haatanna ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.ayuu gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka banaadir

