Waxaa la sheegay in Dagaalamayaasha al-shabaab loogu shakisanyahay in ay 3 ruux oo kenyaan kuwaas oo laga afduubteen ismaamulka mandheera ee Kenya.,
Dhacdadaasi ayaa waxa ay dhacday abbaare afar iyo barkii galabnimo arbacadii shalay , madaxa qaybta dambibaarista ee ismaamulka mandheera Benedict Kigen ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen fuundiyaal kuwaas oo magaalada lafey shaqo ugu socday.
Mr. kigen waxa uu sheegay in Dhacdadaan ay ka dhacaday meel 28 km u jirta magaalda Lafey, gaariga BL-ka ah oo ay ku safrayeen waxaa joojiyay dad hubeysnaa oo looga shakiyay in ay ahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, sido kale waxa uu in sheegay in 3-da dhibane ay magaalada Mandheera ay ku cusbaayeen.
Kooxaha nabad sugida ee Kenya ayaa hadda waxa ay ku raadjoogaan halka ay ku suganyihiin dhibaneyaasha la afduubtay xili laga baqayo in dagaalamayaasha wali ay ku sugan yihiin halkaas

