Wararka laga helayo gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in barqanimadii saakay ay xubno ka tirsan al shbaab ay dagaal xoogan ku qaadeen ciidamada xoooga dalka ciidamada Malatiraga qeybta 21aad ee ku sugan duleedka magaalada dhuusamareeb ee gobolka galgaduud.
Dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaasha alsshabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada gaar ahaana qeybta 21 aad ay ku lahaayeen deeganka miir dugule ee dhaca koonfurta magaalada dhuusamareeb.
Dadka deeganka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maqlayaan daryanka rasas ay iswaydaarsanayaan labada dhinac ,Waxaana ay sheegeen in aysan sheegi Karin qasaaraha ka dhashay weerarkaani
Saraakiisha ciidamada dowlada qeybta 21 aad ee kusugan deeganka mii dugule ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha islamarkaasna ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada dowlada faderalka ah
Waxaana ay intaasi ku dareen in ay wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan xubnihii ka tirsan al shabaab weerarka kusoo qaaday kuwaasi ay sheegeen in ay in ay iskaga baxsadeen deegaanka dagaalka kadib.
Dagaalkaan saakay ka dhacay deegaanka miir dugule ee duleedka magaalada dhuusamareeb ayaa waxa uu imaanaya xili maalinka hor ay ciidamada dowladda dagaal aan dhiig ku daadan ay kula wareegeen deegaanka miir dugule ee koonfurta magaalada dhuusamareeb ee gobolka galgaduud.

