Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Jubbaland oo Lagu Weeraray Deegaanka Qooqaani

0

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo  dagaalamasha alshabaab iyo ciidamada maamulka jubbaland oo garab ka heyay kuwa  kenya ku dhexmaray deegaanka qooqaani ee gobolka jubbada hoose

Wararka ka imanaya  deeganka qooqani ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal qasaare geystay uu ka dhacay deegaanka ,islamarkaasna hubka nuucyadiisa kala duwan laisku adeegsaday

Waxaana ila kusugan  deegaanka qooqaai ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen jugta dagaalka balse aysan sidhab ah u xaqiijin Karin qasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaani ka dhacay deegaanka qooqaani oo hoosyimada degmada afmadow ee gobolkajubbada hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan al shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo ciidamada daraawishta maamulka koonfur galbeed iyo kuwa kenya ay ku lahaayeen deegaanka qooqaani

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada jubbaland ay howlgalo balaaran ay ka wadaan deegaanka qooqaani ,waxaana ay sheegeen in howlgaladaan ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka jubbaland  oo ka hadlay dagaalkaan ayaa waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen dagaalamayasha al shabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here