Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Darawal Mooto Bajaaj waxa uu ku dily saakay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Soonakey Degmadda Hodan ee Goboka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari dilka geystay ayaa ahaa mid isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya,islamarkaana ay murmeen isaga iyo darawalka la dilay,uuna goobta ka baxsaday.
Darawalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Bile Cali Diini,waxayna eheladiisa ay sheegeen in wiilkooda si barer ah loo dilay,ayna dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno cadaaladda.

