Al-shabaab ayaa xalay weerar culus waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Shabaabka ayaa Saldhigga ciidamadda AMISOM ee Deegaanka Arbacow waxa ay ka weerareen dhowr jiho,waxayna adeegsanayeen baasuukayaal iyo qoryaha AK-47,waxayna doonayeen in saldhiga ay gudaha u galaan,balse waa u suurta gali weysay.
Ciidanka Amisom ayaa hubka waaweyn kaga jawaabay weerarkaasi, waxayna mararka qaarkood ku dhacayeen goobo ka fog fog jihooyinkii laga soo weeraray.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Deegaanka Arbacow Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

