Saacadihii lasoo dhaafay Dhacdo naxdin oo ka dhacday magaalada muqdisho ayaa kufsi iyo dil laiskugu daray xamdi maxamed faarax oo aheyd gabar yar oo sanadkaan dhamaysatay dugsiga sare
waxaa dhacdadaasi iyo sida ay udhacday inooga warbixiyay qaar ka mid ah ehelka marxuumad xamdi maxamed faarax
Gacal xuseen gacal oo ah Abtiga gabadha dilka iyo kufsi laiskugu daray oo lahadlay idaacada simba ayaa faafaahin ka bixiyay sida ay ku dhacday dhacdada naxdin taleh ee ku dhacday xamdi
Waxaana uu sheegay in arintaan dhacaday ay aheyd qadar alle oo gabadhooda ku dhacday isagoo tilmaamay intaasi kaso koow ay aheyd sherqool lagu dagay gabadha islamarkasna inta la kufsaday dabaq laga soo tuuray
waxaana sheegay in hada ay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada wixii kaso baxana ay sugayaan
Dhankale sheeq cabdul xayi oo ka mid ah mashaaiqda dalka ayaa ka warbixiyay arintaan iyo wax ay diintu ka qabto
Dhacdadaan dhaxdinta leh ayaa noqto mid dareen gooniya ku abuurtay qofkasta oo maqlay waxaana ay aheyd dhacdo si aad ah dadku ay uga murogodeen marka lafiiriyo dhacdadaan ku dhacday gabadhaasi yar oo ka mid aheyd ubaxii dalka usoo baxayay

