Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa si kulul kaga hadlay kufsigii iyo dilkii lagula kacay gabar kamid aheyd ardeydii sanadkaan gashay Imtixaanka Dowladda.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in falkaas uu yahay mid aad looga xumaado,islamarkaana loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo ragii ka dambeeyay falka.
“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax, oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hamigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayen.” Ayuu yiri Wasiirka.
“Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaheena sharafta leh waa dambi iyo diin la’aan, waana dhaqan aad u xun oo maalmahan nagu soo xoogeystay.” Ayuu yiri Wasiir Goodax.
Wasiir Goodax ayaa Hay’adda Garsoorka Dalka ka codsaday in si deg deg cadaaladda ku waafajiyaan arxanlaawe-yaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.
“Waxaan ka codsanayaa Hay’adaha Garsoorka in ay sida ugu dhaqsaha badan ay mudankooda ku marsiiyaan wuxuushtii falkan foosha xun ku dhaqaaqday.” Ayuu yiri Wasiir Goodax oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada ee Twitter.

