Al-shaabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil loo geystay mas’uul sare oo ka Tirsanaa Dowladda Federaalka u qaabilsan deegaannada dhaca duleedka caasimadda.
Dilkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xoogag aad u hubeysan ay weerareen mas’uulka ayna dileen.
Sidoo kale ragga hubeysnaa ee dilka geystay ayaa horay usii qaateen gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaalka la weeraray.