Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa ka hadlay dib u dhaca Caleema-saarka Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda kismaayo ayaa sheegay in Caleema-saarka Axmed Madoobe la qaban doono marka dhammaan wafuuda ay yimaadaan Magaaladda,halka qorshaha uu ahaa in la qabto 9-ka bishaan.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka digay cadaadista Dowladda Dhexe ku hayso Maamulka Jubbaland.