Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Fekon.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Siinaay ee Magaaladda Muqdisho.
Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa inoo sheegay in askarta dilka geysatay ay la socdeen Mooto,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen markuu dilka dhacay kadib.
Meydka wiilka dhalinyaradda ahaa ayaa goobta laga qaaday,waxaana hakad galay isku socodka Gaadiidka Siinaay.