Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay waxa ay ka ogtahay Wasaaradiisa lacagaha shabaab ka qaadaan Ganacsatadda Soomaaliyeed iyo qaabka ay u maamulaan.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in Ganacsatadda Soomaaliyeed oo ka baqaya Shabaab ay bixiyaan Lacago,kuwaasi oo loo adeegsado dagaalka lagula jiro Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.
“Arrinta Shabaab iyo waxbey qaadaa horta anigu kama war hayo waxa ay qaadaan, waa maq maqlaa inay wax qaadaan,lacagta cid kale la siiyo inkaarbey dadkani qabaanee waa lacag dalka lagu burburinayo, inkastoo aanan ogeyn wax la qaado.” ayuu wasiirku sii raaciyey hadalkiisa.” ayuu yiri wasiir Beyle.
Ugu dambeyntii Wasiirka maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu baaqay ganacsatadda in lacagaha ay siiyaan shabaab ay usoo wareejiyaan dhanka Dowladda Soomaaliya si loogu dhiso dalka.