Ana Sayfa Wararka C/kariin Guuleed:-“Waan Ku Faraxsanahay in Cunaqabteyntii DFS La Jebiyay”,

C/kariin Guuleed:-“Waan Ku Faraxsanahay in Cunaqabteyntii DFS La Jebiyay”,

0
C/kariin Guuleed:-“Waan Ku Faraxsanahay in Cunaqabteyntii DFS La Jebiyay”,

Madaxweynihii hore ee maamulka galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa eedeen u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka  Somaaliya.

Guuleed oo shalay tagay magaaladda Kismaayo si uu kaga qeyb galo Caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Cunaqabateynta Dowladda Dhexe ay saartay Maamulka Jubbaland,balse ay ku faraxsan yihiin in ay jabiyaan.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay jebinta amarka dowladda ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay jebintaasi, isagoo taasi sabab kaga dhigay in dadka reer Jubbaland aanay qaban in dowladdu cunaqabateyso.

“Reer Jubbaland ma qabato cunaqabateyn, mana ka qabato dowladooda, waana ku faraxsanahay in cunaqabteyntii la jebiyay.” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa horey awaamiir ugu soo rogtay diyaaradaha tagga Magaalada Kismaayo, iyadoona amartay in marka ay taggayan iyo marka ay ka soo baxayanba soo maraan Magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here