Madaxweynihii Hore ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan, ayaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in qaab qaldan ay kula macaamilayso Maamulka Jubbaland.
Shariifka oo shalay kismaayo u tagay Caleema-saarka Axmed madoobe ayaa dadka reer Jubbaland ku amaanay qaabka ay doorashadda Madaxweynaha u qabsadeen.
Sidoo kale Shariif xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu u arko shakhsi mudan in dadka reer Jubbaland u soo doortaan in markale uu hoggaamiyo bulshada deegaanka.
“Reer Jubbaland runtii sharaf iyo doorashee sameeyeen, doorasho ay ugu daneynayaan dadkooda iyo dalkooda iyo wanaagii uu Madaxweyne Axmed dalkan ka qabtay, ayagoo abaal-gud u sameeyay inuu mar labaad iyo madax saddexaadba inuu hoggaamiyo, Aniga reer Jubbaland taasi waxaan leeyahay waa si geesinima ah, aragti iyo wadaniyad dad jaceyl ah, runtii taas ayaan u arkaa inuu yahay hoggaan ay u baahnaayeen.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyntii Madaxweynihii Hore ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay in wada-hadal la gasho Maamulka Jubbaland si loo xaliyo tabashooyinka.