Wararka ka imaanaya Magaaladda Wajeer ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Hooyo Soomaaliyeed lagu gowracay halkaas.
Falkaan waxaa geystay nin dumaashigeed ah oo ay ka diiday in uu dumaalo,kadib markii uu ku dhintay walaalkiisa.
Saraakiisha amniga Magaaladda ayaa sheegay in lagu raad joogo ninkaan walow uu baxsaday.
Hooyada la Gowracay ayaa ifka kaga tagtay shan Caruur ah waxaana da’deeda ay aheyd dumarka meel dhaxaadka,sida qoyskeeda ay sheegeen.