Xuutiyiinta Yemen ayaa baahiyay muuqaal iyo sawiro ay ku sheegeen in ay ku dileen ama lagu dhaawacay, 500 oo askari oo ka mid ahaa milatariga Sacuudiga
Dagaalyahanada mucaaradka Yemen ayaa dhanka kale ku soo bandhigay tv-ga Al-Masiirah muuqaalka askar nolosha ay ku Hayaan.
Afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta Yaxye Saree, ayaa tilmaamay in diyaaradaha Drone-ka ay ku garaaceen xeryaha milatariga deetana ay dibada u soo baxeen Ciidanka.
Mr Yaxye ayaa intaa ku daray in ciidan xoogan ay ku diyaariyeen xadka Sacuudiga iyo Yemen, deetana ay ciidankan isku soo Dhiibeen.
Muuqaalkan ayaa dhanka kale lagu soo bandhigay gaadiid Gubanaya.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma cadeyn karo sheegashada Xuutiyiinta, iyadoo dowlada Sacuudiga ay ka gaabsatay in ay ka Hadasho.