warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka hada ka socda magalada balad xaawo ee gobolka gedo
Dagaalka Oo hadda wararku ay sheegayaan in uu ka Socdo masjidka qadiimigaa Dabaqa shirgada Hormuud ilaa Xaduudka
waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka ay ku biiray Ciidamada kenya Oo Madaafiic ku garaacayo gudaha magaalada Balad-xaawo
iyadoo lasoo sheegayo in Qasaaraha dagaalka ka dhashay uu sii kordhiyo islamarkasna jugta culus oo madaafiic ah Xaduudka laga maqlayo
qarasaaraha rasmi ga ah ee ka dhashay dagaalkaan lama xaqiijin karo sababo la xiira in wali dagaalku uu socdo islamarkaasna uu xili habeen ah bilowday
ilo deegaanka ah ayaa waxa ay simba u sheegeen in dagaalka uu ku dhintay
Taliye ku xigeenkii Saldhiga Beladxaawo Maxamed cabdi nuur
sidookale waxa la sheegay in madaafiicda ay haleeshay guri ay ku sugaayeen aabo iyo sadax caruur oo uu dhalay
wali rasaas iyo madaaficda ayaa laga maqlayaa oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan
wixi kusoo kordha halkaani kala soco

