Masuul Dowladeed Oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay  ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah eee Muqdisho.

Xalay fiidkii ayaa jugta qarax culus waxa laga maqlay gudaha  magaalada caasimadda ah ee muqdisho taasi oo la sheegay in uu ahaa qarax la doonayay in lagu dilo masuul ka tirsanaa dowladda .

al-shabaab ayaa wararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan ku sheegtay masuuliyada qarax laxay ka dhacay muqdisho
waxaana ay sheegeen  in qarax lagu beegsaday gaari uu la socday wasiirka wasaaradda Beeraha xukuumada faderaalkasoomaliya balse uu ka badbaaday
iygoona sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Qooqan ah xilli uu marayay wadada xiriirisa Ceelgaabta iyo Xamar Jajab.

Warkasoo baxay al-shabaab  lagu sheegay in burbur xooggan uu gaaray gaariga labeegsaday qaraxa islamrkaasna uu si dirqi ah uu kaga badbaaday wasiirka wasaaradda beeraha,
al-shabaab ayaa intaasi ku daray in goobta uu qaraxu ka dhacay  ay tahay mid  ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo kaliyana ay  badanaa wadadaas ku safra madaxda dowladda oo uu ugu horreeyo Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here