wararka aan ka helayno gobolka bari ayaa waxa ay sheegyaan in qof shacabka oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada boosaaso lagu dilay gudaha magaaladaasi boosaaso.
kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaa in gudaha magaalada boosaaso ay dil ugu geysteen haweyney ku ganacsanaysay magaalada islamarkaasna ka mid aheyd haweyneydka dharka ku iibiya magaalada boosaaso
haweeneyda la dilay waxa la sheegay in lagu magacaabi jiray caasho maxamed iyadoona la sheegay in xiliga la dilayay ay ku sugneyd goobteeda ganacsia,dilka kadib kooxdii dilka geysatay ayaa waxa lasheegay in gobta ay iskaga baxsadeen
maamulka punland iyo kan gobolka bari wali kama aysan hadlin wax faafaahin ahna kama aysan bixin dilka ka dhacay gudaha magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari
dilkaan haweneydaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili saacadihii lasoo dhaafay ciidamada amaanka gobolka bari ay howlgalo ka waday xaafadaha magaalada boosaaso
waxaana jirta in dhowr jeer oo hore kooxo hubeysan sidaan oo kale ay dad shacab ah dil ugu geeysteen islamrkaasna ay baxsadeen

