Taliska booliska magaalada guriceel ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay ka warbixiyeen gaari dad shacab ah ay la haayeen oo dhawaan maleeshiya hubeysan ay dheceen ciidanka boolisku ay gacanta kusoo dhigeen
waxaana la sheegay in gaari loo dhacay sababbo la xariira gaari horay maleeshiyadaan looga dhacay iyadoona lasheegay in gaariga lasoo gabtay iyo kuwa maqanba ay kala lahaayeen dadka ku dhaqan degmooyinka balanbale iyo guriceel oo ka wada tirsan gobolka galgaduud
howlgalo degmada guriceel ay kasameeyeen ciidanka booliska ayaa waxa ay kusoo qabteen gaari maleeshiya hubeysan ay soo dheceen oo muddo hal asbuuc ka hor lasoo dhacay islamrkaasna lagu heystay gudaha degmada guriceel.
taliyaha booliska degmada guriceel ayaa waxa uu gaari lasoo qabtay ku wareejiyay shaqsigii lahaa waxaana uu sheegay in loobaahanyahay in taliska booliska degmada balanbale ay kala shaqeyaan xasoloonida magaalada islamarkaasna ay iyagu diyaar uyihiin in ay wax ka qabtaan wixii ka dhaca degmada guriceel
taliyaha ayaa taliska booliska degmada balanbale ugu baaqay in ay kala shaqeyaan sidii gaawaarida la kala heysto lasikugu wareejin lahaa
muddooyinkii dambe waxaa gudaha dalka gaar ahaana gobolada dhaca bartamaha soomaaliya ka dhacayay falal af duub ah oo ay geeysanayeen maleeshiya hubeysan
ciidamada dowlada ayaana sheegay in falalkaasi ay wax ka qabanayaan islamrkaasna ay ku dabajoiogaan isbaarooyinka kusoo badanaya gobolada dalka balse ilaa iyo hada mamuuqato wax tilaabo ah oo arinkaasi loo qaaday

