Maamulka Puntland Oo Qaaday Talaabo Ciidan Oo Lagu Kala Dhaxgalayo Beelo Ku Dagaalamay Isku Shuban

0

iyadoo labadii maalin ee aynu soo dhaafnay ay maleeshiyaad kala taabacsan beelo wada daga degmada isku shuban ee gobolka bari ay dagaalamayeen deegaan ku yaal miyiga isku shuban ayaa waxa lagu soo waramayaan in ciidamo la kala dhaxdhigay beelahaasi

maamulka puntland ayaa ciidamo kala dhexgala beelaha colaadu dhexmartay u diray degmada isku shuban ee gobolka bari

waxaana lasheegay in ciidamadani ay dhufeysyo ka sameysteen degmada iyo halka xiisada colaadeed ay ka taagantahay

saraakiisha ciidamada hogaaminayay ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka ay fareen in ay la socdaanj dhaqdhaaqaaqyada maleeshibeeleedka ku dagaalamay deegaan ku yaal miyiga degmada isku shuban ee gobolkaasi bari

sidookale waxa ciidanka la sheegay in la amray in ay dhaqan galiyaan in xabadu joogsato islamarkaasna ay labada dhinac kala dhexgalaan

xalay ilaa shalay waxa lagu soo waramayaa in dagaalku uu socday islamarkaasana uu ka dhashay qasaaro iskugu jira dhimasho dhaawac

waxaana lagu soo waramayaan in dagaalkii xalay ugu yaraan in 5 ruux ay ku geeriyoodeen halka tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen oo kor udhaafaya 12 ruux

dagaalkaan udhexeeya labada beelood ayaa waxa lasheegay in uu kadhashay deegaameysi ay degmada isku shuban ka sameenayeen belahaaasi wadaga

waxaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka lagu dagaalamay labadii maalin ee lasoo dhaafay ay xaaladiisu tahay mid degan iyadoona la sheegay in cutubyo ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka puntland in ay la wareegeen deegaanka ay ka jirto xiisada colaad islamarkaasna ay gacanta ku hayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here