War Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay ku wehliyaan Siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin nasiib darro weyn ay ku tilmaamayaan in Xukuumadda ku dhawaaqdo inuu dalka doorasho galayo, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin tabashooyinkii laga keenay guddiyada doorashooyinka.


