Qaraxyo Isxigxigay Oo Ka Dhacay Deegaanka Bacaadweyne

0

wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug ay ka dhaceen qaraxyo isxig xigay oo laba ahaa kuwaas oo bur bur geeystay

dadlka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay deegaanka ay ka maqleen jug culus oo qaraxyo ah taasi oo ka dhacay gudaha deegaanka bacaadweyne

waxaana qaraxyadaasi la sheegay in xubno ka tirsanaa  al-shabaab ay ku burburiyeen ceelal biyoodyo  dadka deegaanka ay biyaha ka cabijireen

waxaana lasoo sheegayaa in dadka deegaanka bacaadweyne in ay sameeynayaan in ay deegaanka ka qaraxaan madaama ceelashii ay biyaha ka cabijireen la bur buriyay

majirto wax qasaara nafeed ah looga soo warinayo  qaraxyada xalayb laga maqlay deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug

sidookale majirto waxwar ah oo ka soobaxay dowladda oo looga hadlayo qaraxyada ka dhacay deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here