AL-Shabaab Oo Sheegtay In Muqdisho Ay Ku Dileen Sarkaal iyo Ciidamo ka Tirsan Sirdoonka Dowladda

0
Armed members of the militant group al-Shabab attend a rally on the outskirts of Mogadishu, Somalia Monday, Feb. 13, 2012. Thousands of Somalis gathered at a militant-organized demonstration on the outskirts of Mogadishu on Monday in support of the merger of the Somali militant group al-Shabab with al-Qaida, which was announced last week by al-Qaida leader Ayman al-Zawahri. (AP Photo)

Al-shabaab ayaa sheegaytay masuuliyada rag lasheegay in lagu dilay gudaha magalaada caasimada ah ee muqdisho

Al-shabaab wararka ay barahooda interneedka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ay dileen rag hubeysan oo ahaa ciidamo dharcad ah oo ka tirsan dowladda

waxaana ay intaasi ku dareen in meel udhaw biya dageenka xareed ay ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka dowladda

sidookale al-shabaab ayaa sheegay in ragaasi ay dileen lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil C/qaadir iyo Zakariya Cabdi Nuur kuwaasi oo ay sheegeen in ay ahayeen sirdoonka dowladda oo dharcad ah

Dhinaca kale weerar qorshaysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ayaa waxa al-shabaab ay sheegteen in ay ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska qeybta Canshuuraha ee Minishiibiyada loo yaqaan.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Caddaani ayaa sida la sheegay caan ka ahaa Suuq Bacaad wuxuuna lacagaha Canshuurta ah al-shabaab ay warkooda ku sheegeen in uu ka qaadi jiray  goobaha ganacsiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here