Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Kusoo Qabtay Koox Burcad ah Oo Dhacay Ka Geeysanayay Muqdisho

0

Ciidamada amaanka dowladda ayaa howlgalo qorsheeysan oo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir

Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ciidamada dowladdu ay si gaar ah uga fuliyeen xaafadoka mid ah degmada hiliwaa

Waxaana ay ciidamada la sheegay in ay usuura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan rag burcad ah oo dadka shacabka ah ka furanayay hantida ay wataan

Guddoomiyaha dhanka Amniga ee degmada Heliwaa Maxamed Geeddoow Shaakir ayaa ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen  Howlgal amniga lagu xaqiijinayo inay  ku soo qabtay Koox burcad ah oo dhac u gaysanaysay dadka shacabka ah eek u dhaqan  degmada  hiliwaa

Raga burcadka ah ee la qabtay ayaa waxa la sheegay in ay wateen hub iyo waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalayeen islamarkaasna ay ciidamadu soo qabteen dhamaan wixii ay wateen

Sidookale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdaan burcada ah ay 3 sadax qof oo shacab ah ay kusoo dhaaweceen gudaha degmada yaaqshiid ka hor inta ciidamada dowladdu aysan howlgalo kusoo qabaan

Waxaana dadkaasi shacabka ah ee ay dhibaateeyeen burcadu la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo ay ka dheceen handidoodii

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in kooxdaan burcada ah ee dadka shacab ah dhaca ugeeysanayay ay xiran yihiin islamarkaasna maxkamad la hor geydoono wixii ciqaab ah oo ay muteysteena la marsiin doono

Inta badan xaafadaha qaar ee degmooyinka gobolka baadir ku yaala ayaa waxa xiliyada habeenkii dhac iyo dil ka geeysta kooxa burcad ah oo doonaya in dadka shacab ka ah ay ka furtaan moobiloadda iyo hantida kala ee ay wataan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here