waxa maanta lagu wada in magaalada garoowe ee xarunta gobolka nugaal in uu ka furmo shirka Aragti wadaag ee heritage kaasi oo la filayay shalay in uu furmo balse u baaqday sababo la xariira in uu hoolka shirka lagu balansanaa in lagu qabto uu qaadiwayay dadkii shirka lagu mariqaaday
waxaana lagu soo waramayaa in si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada goroowe oo uu shirku ka shacayo
ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa amaanka maamulka putland ayaana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada waxaana ciidanku ay baaritaano kala duwan ku sameeynayaan dadka iyo gaadiidka wadooyinka isticmaalaya
saacadaha aadan ayaana lafilayaa in shirkaan daaha laga rogo iyanoona ay shirkaan ay ka qeyb galayaa madaxweynayaashii hore ee dalka raiisul wasaare ku xigeenka dalka gudoonlka labada aqal ee barlamaanka soomaaliya xubno ka mid midowga musharaxiinta iyo marti sharafkale oo shirka lagu casuumay islamarkaasna kasocda bulshada rayadka ah
shirkaan ka furmaya magaalaada garoowe ayaa waxa uu yahay mid diirada lagu saarayo islamarkaasna looga hadlayo xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya
waxaana shirkaan la sheegay in uu socon doono muddo sax cisho ah oo arimahaasi iyo xaalada dalka lagu falan qeyn doono
masuuliyiinta ku sugan garowe ee shirka ka qeyb galayaa ayaa waxa xalay kulamo kala gooni gooni ah yeeshay
waxaana kulamadaasi la sheegay in ay uga wada hadlayeen xaalada kala guur ka ah ee uu dalku galay iyo arimaha doorashooyinka iyo sida ay wax usocdaan.
Isku wada duuboo shirkaan oo lagu qaban jiray dalka jabuuti ayaa sanadkaan markii ugu horeysay lagu qabanayaa gudaha soomaaliya
Waxaana martigalisay sanadkaan maamulka putland

