Axmed Cabdulaahi oo ahaa wasiirkii hore amniga putland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada garoowe
waxaana la sheegay in uu xanuun halis ah bkusoo booday sidaasna uu ku geeriyooday marxuunka
waxaana geerida marxuunka xaqiijiyay qaar ka mid ah eheladiisa
Dhankale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland AXMED Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).
Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

