madaxweynaha putland saciid Cabdulaahi dani ayaa waxa uu go,aan adag oo cusub kasoo saaray sicir bararka iyo diidmada lacagta shilinka soomaaliga
sidoole madaxweynaha putland ayaa si kulul hadlay uga hadlay banan baxyo rabshada watay oo shalay ka dhacay magaalada garoowe caasimda maamulka putland
banan baxyadaasi oo looga soo horjeeday diimada lacgta shilin soomaaliga
madaxweynaha putland saciid cabdulahi dani ayaa waxa sheegay in marnaba aan la diidi karin lacagta shilinka soomaaliga islmarkaasna lacagta shilin soomaaliga boqolkiiba 10 lagu qaadidoono canshuuraha dekadaha putland
sidoolana waxa uu sheegay in si korloogu qaado isticmaalka lagta shilin soomaaliga la xadidayo lacagta doolarka ee taleefoonada lagu shubto
waxaan sheegay madaxweynaha putland in lacagta doolarka ee taleefoonada lagu shubto $10 ka badan aan la diri karin
intaasi ka dib madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday bananbaxyadii ka dhacay garoowe
waxaan uu sheegay in banan baxyadii shalay aysan aheyn kaliya mid lagu diidanaa diimada lacagta shilin soomaaliga balse uu ahaa mid ay wadeen dad ka faaideeysanaya deereenka shacabka oo dano siyaasadeed ismarkaasna doonayay in ay cuuryaamiyaan maamulkiisa
deegaanada maamulka putland waxa mudooyinkii dambe kaso conayay diidmada lacagta shilin soomaaliga taasi oo caqabad weyn ku noqtay dadka danyarta ah oo saameeyn dhanka nolol maalmeedkooda ah uu ku yeeshay maadaama ay lacagta shilin soomaaliga kaliya ay awoodan islamarkaasna aysan heysan lacagta doolarka

