Muddada Xilhaynta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Hir-shabeelle oo Laga Dhigay  5 sano

0

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey In mudo xileedka Hirshabelle oo ahaa 4sano laga dhigo 5sano,kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle.

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kahadlaaya Muddo Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Waxaa kulanka xaadir ahaa 70 xildhibaan 66xildhibaan ayaa ogolaatay 3waa ay diiday 1na waa uu ka aamusay sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here