Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay Hadaladda Maalmihii dambe kasoo baxayay Xubnaha Musharixiinta ee loogu hadlayay arinta Gobolka Gedo.
C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ah Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo la hadlayay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in hadaladda mushariixnta kasoo yeerayay ay yihiin kuwa aad loogu xumaado.
Waxa uu sheegay in Gedo burburkii kadib uusan yeelanin maamul sax ah,islamarkaana Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay geysay halkaas ciidamo maamulna u dhistay.
Waxa uu sheegay in musuq-maasuq iyo dhibaatooyin ay ka dhacayeen Gobolka Gedo,dhamaan dowladihii dalka soo maray,balse haatan arintaas la xaliyay.
Dhanka kale C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ah Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay Xubnaha Musharixiinta wuxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxayaan arinta Gobolka Gedo.

