Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo u abaabulan qaab Maleeshiyaad oo xalay ka Dhacay magaaladda Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo socday Muddo saacado ah ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalmay iyo dad shacab ah.
Sida la xaqiijiyay dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamadda dagaalmaya ay Mudooyinkii dambe uu khilaaf dhexdooda ka jirey waxayna taasi ay keentay in dagaal uu Magaaladda ka dhaco xalay.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa dagaalka ku dhintay sidoo kale waxay waxyeelo soo gaartay dad shacab ahaa oo dagaalka qeyb ka aheyn.

