Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Dib Loo Soo Celinayo Xiriirkii Kenya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mar Kale Ka Hadashay Xiriirkii dhawaan ay u Jartay Dowladda Kenya,iyo wararka sheegaya in dib loo soo Celin Doono xiriirkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Villa Somalia, kaddib markii wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ka soo laabteen dalka Jabuuti oo uga ka qeyb galeen shir Madaxeedka IGAD.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay marwalba dib usoo celin karaan xiriirkooda.

“Madaxda IGAD waxay aad cadaadis ugu saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada hadal iyo is afgarad, oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaa ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay”ayuu yiri Wasiirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here