Dab xoogan oo qasaaro geeystay ayaa waxa uu xalay ka kacay suuqa weyn ee degmada wadajir ee gobolkaani banaadir
Dabkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid geeystay qasaaro badan oo hantiyadeed
Waxaana lasheegay in gabi ahaanba uu baabi’iyay xarumo gacansi oo ku yaalay gudaha suuaqa dagmada wadjir iyadoona lasheehay in dabku ku faafay qeybo badan oo ka mid ah suuqa.
Si rasmi ah wali looma xaqiijin waxyaabaha sabbabay in dabkani uu kaco balse dadka qaar ayaa wax ay sheegeen in dabkaan uu ka dhshay koronto
Waxaana lasheegay in dabkaan uu kakacay suuqa dharka lagu iibiyo degmada wajir islamarkaasna qeybo kale oo suuqaah uu ku fiday
Sidookale majirto wax qasaaro nafeed ah oo laga soo wariyay dabka kacay suuqa weyn ee degmada wadjir marka laga soo tago qasaare hantiyadiid oo uu geeystay dabku islamarkaasna ay ku basbeeleen goobo badan oo ganacsata suuqa ay lahaayeen.
Gaadiidka kala duwan ee dab damiska ayaa waxa lasheegay in ay ku guuleeysteen daminta dabka wallow la sheegay in aysoo daaheen taasi oo keentay in dabku uu faafo.

