Ciidamada Amaanka Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Laga Shakiyay

0

Ciidamada  amaanka maamulka galmudug ayaa waxa  lagu soo waramayaa in koonfurta magaalada gaalkacyo ay kusoo qabteen rag lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha al-shabaab

Ciidamada amaanka magaalada gaalkacyo ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlaglo ka wadeen koonfurta magaalada gaalkacyo howlgaladaasi oo la sheegay in lagu baadigoobayo dadkii soo abaabulay  weerarkii ismiidaaminta ahaa ee laba maamalin ka hor ka dhacay koonfuta magaaladaa gaalkacyo

Xubno ka tirsan Saraakiisha ciidanka amaan  magaalada gaalkacyo oo howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheehgeen in ciidamadu ay gacankusoo dhigeen rag looga shakisanhyahay in ay ka tirsan yihiin al-shabaab

Ciidamada amaanka magaalada galkacyo ayaa waxa ay sheegeen in raga laqabtay ay yihiin ilaa iyo laba nin iyo gaari ay wateen

Waxaana la sheegay in ragaan ay yihiin tuhunsanayaal islamarkaasna lamarsiin doono baaritaano kala duwan wixii kasoo baxana warbaahinta lasoo wadaagidoono

Wali koonfuta magaalada gaalkacyo waxa howlago ka wada ciidamada amaanka maamulka galmudug kuwaasi oo baadigoobaya dadkii ku lugta laha qaraxii ka dhacay magaalada gaalkacyo kaasi oo ilaa iyo hada saameeyntiisa laga dareemayo magaalada gaalkacyo

Jimcadii aan soodhaafnay ayay aheyd markii qarax xoogan oo ismiidaamin ah lala beegsaday saraalkiil ka tirsan ciidanka dowladda kuwaasi oo ku howlanaa sugida amaanka garoonka kubada cagta  cabdulahi ciise oo ay kasoctay qabanqaabada soo dhaweynta raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya iyadoona qaraxaasi uu sababay dhimashada afar sarkaal oo ka tirsanaa ciidankla dowladda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here