HSM:-“Farmaajow 40-Cisho ayaa Ku Hartay ee Shacabka Ciidan Ha u Adeegsanin”,!+Dhageyso

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo in ay awood ciidan u adeegsatay dadkii banaanbaxa ka dhigayay shalay Magaaladda Muqdisho.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda muqdisho ayuu sheegay in dadka banaanbaxa dhigayay ay ahaayeen kuwa muujinayay dareenkooda,balse loogu jawaabay rasaas.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu dusha u rito dhaawacyadii ka dhashay rasaastii shalay lagu waxyeeleeyay dadkii banaanbaxa dhigayay.

Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay u harsan tahay muddo 40-maalin ah ,loona baahan yahay in uu ilaaliyo sharuucda dalka u taalo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray bannaan baxii maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana ay si kulul u cambaareeyeen rasaastii ciidanka dowladda Federaalka ku fureen dibad baxayaasha.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu qaadanayo mas’uuliyadda, iyagoo sheegay in caburinta shacabka uu u adeegsaday Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee ay tababartay dowladda Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here