Akhriso:-DFS oo Ciidamo Geysay Xadka u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuweeda ay geysay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee u dhow magaalada Mandheera.

Sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya,arintaan ayaa timid kadib markii uu xumaaday xirirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wargeyska oo soo xiganaya qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwa si aad ah u hubeysan.

“Waxaan ku waabariisannay ciidamo milatari ah oo xadka jooga. Arrintan aad bay noo walwal galisay,” ayuu yiri Mid ka mid ah dadka deegaanka oo uu wargeyska soo xigtay.

Ma jiro wax war ah oo ay Dowladda Soomaaliya kasoo saartay arrintan, mana jiraan saraakiil dhinaca Soomaaliya ah oo xaqiijiyay tallaabadaas lasoo tabinayo.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa aad u sii xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here