ra’iisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble oo shalay gaaray magaalada garowe caasimada maamulka putland ayaa waxa la sheegay in kulamo kala duwan uu la qaadanayo masuuliyiin ka tirsan maamulka putaland odayaasha dhaqanka iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada
waxaana kulamadaan intooda badan la sheegay in ay quseeyaan arimo kusaabsan khilaafaadka ka jira doorashada dalka ka dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa
raiisul wasaare rooble ayaa maanta la filayaa in kulan uu la qaato madaxweynaha putland saciid cabdulahi dani ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulka putland.
Kulanka maanta ayaa la filaya in looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay.
maxamed xuseen rooble ayaa shirkii saaxiibada somaliya ka sheegay in soocdaalo lagu xalinayo arimaha khilaafadka doorashooyinka uu utagayo magaalooyinka garowe dhuusamareeb iyo kismaayo
waxaana uu tilmaamay in dowlad goboleedyada uu kala fariisan doono arimaaha doorashoyinka
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Rooble ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed.

