wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan amisom weerar xoogan lagu beegsaday deegaanka kulbiyoow ee gobolka jubbada hoose.
dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib mrkii dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay weerar culus la sheegy in ay ku qaadeen saldhigyo deegaanka kulbiyoow ay kula haayeen ciidamo ka tirsan dowladdaha keenya iyo yugaandha.
waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ahaa mid dhaliayay qasaare kala duwn oo ubadnaa dhaawacyo .
dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta culus iyo rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaah ka dhashay weerarka ka dhacay deegaanka kulbiyoow.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidamada amisom ee ka dhacay deegaanka kulbiyoow .
waxaana ay sheegeen in weerarkaan ay dhaawac culus ku gaarsiiyeen ciidamada milatariga keenya .
weerarkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dagaalamyaasha al-shabaab ay guul kaga sheegteen weerar culus oo sidaan oo kale lagu qaaday ciidamo ka tirsan yugaandha weerarkaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka shalaambood ee gobolka shabeelaha hoose.
taliska ciidamada nabad ilaalinta ujooga somaaliya ee amisom wali wax war ah kama soo saareen weeraradaan lala beegsaday ciidamada amisom.

