Dowladda faderalka somaliya ayaa sheegtay in howlgalo balaaran oo ciidamada dowlada ay k fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose lagu dilay horjooge ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaasna ay dhaawaceen xubno kale
Howlgalkaani oo ahaa mid qorsheeysan ayaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxa la sheegay in ay ka sameeyeen degaanada kala ah Wala galeen ,Galka saalimow, Dahaad ,Ceel maracade Garas Gawaan oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka shabeelaha hoose.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka intii ciidamadu ay ku jireen ay ku dileen 11 xubnood Oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab waxaana ay saraakiishu tilmaameen in xubnahaasi ay dileen uu ku jiray horjoogihii watay
sidookale waxa ay sheegeen in ay dhaawaceen 6-kale sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidanka dowladda ay bur-buriyeen goobo al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi

