Al-Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Weerar Ay Ka Fuliyeen Gudaha Dalka Kenya

0

warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo lagu qaaday saldhigyo ciidamada kenya ay ku lahaayeen magalada mandheera ee gobolka waqoowi bari dalka kenya.

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qasaaro geeystay oo ciidamo kenyaan ah lagu la beegsaday gudaha dalka kenya .
waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada la weeraray ay ahaayen ciidamo ka tirsan booliska dalka kenya oo xiligasi ku sugnaa saldhig ku yaala tuuladda sheeq barrow oo hoostaga magaalada mandheera .

Warrarka al-shabaab ay ku qoraan barahooda interneetka waxa ay sheegteen masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidamada kenya
waxaana ay alshabaab ay sheegteen in weerar culus oo jihooyin kala duwan ah ay ku qaadeen saldhigyon ciidamada kenya ay ku lahaayeen magalada mandheera islamarkaasna weerarkaasi ay ku gubeen laba gaari oo ay lahaayeen ciidanka kenya .

Al-shabaab wax faahfaahin ah kama bixin qasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka lagu fuliyay gudaha dalka kenya.
al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay la beegsanyaan ciianka kenya iyagoo todobaadyo is xigxiga guulo kaga sheegtay weero ay ku qaadeen ciidanka kenya.

khamiistii toodobaadkii naga dhamaaday ayay alshabaab sidaan oo kale waxa ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada kenya ay kulahaayeen deegaanka amuume oon hoostaga degamada gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here