Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Caawa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee magaaladda Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dilkaan ayaa loo geystay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur Tiyeegow oo kamid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqiinay Baledweyne.
Kooxa hubeysan ayaa fuliyay dilka nabadoonka iyagoona goobta ka baxsaday dilka kadib, waxaa goobta gaaray ciidamadda dowladda oo howlgala ka sameeyay Xaafada Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Dilkaan ka dhacay Magaaladda Beledweyne.

