Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay qofkii tuuray Bam gacmeed caawa lagu weeraray saldhiga degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Sida laamaha amniga ay sheegeen, ma jirto cid waxyeelo ka soo gaartay Bam gacmeedka lagu tuuray Saldhiga degmadaas.
Waxaana tani ay kusoo aaday saa xili ay falal amniga lidi ku ah saacadiihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen magaalada muqdisho kuwaas oo u badnaa qaraxyo
Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howgallada lagu xoojinayo amniga caasimadda si aysan cadowgu uga faa’iideysan.

