Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxa lala Beegsaday Axmed Washington.

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax maanta magaaladda Muqdisho lagula eegtay Mas’uul katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Cabdi Casiis ee bariga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Magaaladda Muqdisho lagu magacaabo Axmed Washington.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Maareeyaha labeegsaday uu si dirqi ah ku badbaaday balse ay qaraxa ku dhinteen 2 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

“Mas’uulka dilka ka badbaaday ayay si aad ah isugu dhowyihiin Max’med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka, xalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay goob ammaankeeda loo ilaaliyo ay ku dhinteen saraakiil dowladda katirsan”, ayaa lagu yiri warka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here