Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyneysay qaraxii caawa ka dhacay maqaayad ku dhaw isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 6 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay weerarkaasi halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


