Al-shabaab oo Ka Hadlay Sababta ay u Beegsadeen Maqaayadda Jalaato Devino

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qarax Caawa Ka Dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaiya.

Qaraxa oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday goob ay maqaayada ka fadhiyeen dhalinyaro badan oo halkaas u tagay in ay nasiino iyo waqti kusoo qaataan ,taasi oo lagu magacaabo Jalaato Devino.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo dhalinyaro u badan ayaa qaraxa ku dhintay sida ay sheegeen Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in in qaraxa uu fuliyay ismiidaamiye ka Tirsan Shabaab,islamarkaana lagu dilay xubno Dowladda u shaqeynayay.

‘Qaraxa oo uu fuliyay qofk naftiis-hure ah  waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan DF, Saraakiil katirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda,Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 10 katirsan saraakiisha iyo askarta la beegsaday, halka dhaawucuna uu 15 ka badanyahay,goobta uu qaraxu ka dhacay  waxay kamid tahay goobaha sida aadka ah ammaankeeda loo ilaaliyo aadna ugu dhow koontoroolka koowaad ee looga gudbo garoonka diyaaradaha Muqdisho”, ayaa lagu yir warka Shabaab kasoo baxay.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyneysay qaraxii caawa ka dhacay maqaayad ku dhaw isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here