Wafdi Degmada Baraawe Gaaray Oo Deg Deg Uga Laabtay

0

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagay dagmada Baraawe oo ah  xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha Shabeellada hoose iyo wafdiga la socda waxa la sheegay in barawe ay utageen arimo la xariirira xil wareejinta gudoomiyaaha cusub ee gobolka shabeelaha hoose

iyadoona siweyn ay halkaasi ugu soo dhaweyeen  maamulka dagmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga dagmada barawe .

Maamulka dagmada Baraawe ayaa waxa ay idaacada simba u sheegeen in ay soodhaweyeen wafdiga soo gaaray degmada baraawe oo ay hogaaminayeen godoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Cabduqaadir maxamed nuur siidii iyo godoomiyihii hore ee gobolka ibraahim aadan cali najax

waxaana uu sheegay in haatan howlihii kormeerka iyo xil wareejinta ay dhamaadeen mauuliyiintuna ayaa hadala kookoban ka jeediyay markii ay tageen degmada barawe ee gobolka shabeelaha hoose  islamarkaasna ay sagootinayaan wafdiga maamulka gobolka shabeelaha hoose oo ku labanaya maagalada beydhabo ee gob0olka bay

16kii bishan November ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Max’ed  Lafta-gareen xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo horey xilkaan u soo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here