Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
ujeedka uu raiisul wasaaraha xakuumda somliya uu utagay aya waxa la sheegay in uu yahay wadatashi uu halkaasi kula yeelanayo mas’uuliyiinta Koofur galbeed iyo bulshada gobolkaas, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta ammaanka deegaanada ay doorashadu ka dhacayso.
waxaan uu raiisul wasaare maxamed xuseen rooble ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada beydhabo waxa uu kulamo la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo wax garadka maamulka koonfur galbeed somaliya
safarka raiisul wasaarada xukuumada somaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya xili dalku uu galay xaalad kala guur ah islamarkaasna uu muran xoogan uu ka taaganyahay guddiga doorashada ee uu magacaabay raiisul wasaare rooble
waxaana xusid mudan in raiisul wasaare rooble iyo xukuumadiisa laga fadhiyo in ay qabtaan doorasho waqtigeeda aan ka dib dhicin

