Deg Deg :- Qof Shacabka Oo Lagu Dil Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir

0

wiil dhaliyaro oo ka mid ah darawalada kaxeesa mooto bajaata ayaa gordhaweyd lagu dilay wadada afisiyooni degmada waabari ee gobolkaani banaadir

askari katirsan ciidamada faderaalka somaliya ayaa waxa la sheegay in uu dilay wiilkaan dhaliyarada ah islamarkaasna uu goobta iskaga baxsaday

askariga dilka geestay ayaa waxa la sheegay in uu saarnaa mootada nuuca laba luguuleeyda ah ee looyaqaano faykoonta

waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen moota ay haleeshay darawalka mootada ka xeynayay islamrkaasnaa uu isla goobta ku geeriyooday

la ma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka darawlkaan moota bajajlaha ahaa balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in moota bajaajta ay saarnaayeen ciidama kale oo ka tirsan dowladda oo iyagu qaad kala cararayay ciidamada dowladda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here