Dowladda Imaaraadka oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Wadamo Soomaaliya Ku Jirto

0

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa si kumeel gaar ah u hakisay fiisooyinka dal ku galka muwaadiniinta dalkaPakistan iyo 11 dal oo kale ilaa amar dambe

Warkan waxaa xaqiijiyey Xafiiska Arimaha Dibada ee Pakistan Waxaa la sheegay in go’aanka la rumeysan yahay inuu yahay arrimo la xiriira Caabuqa COVID-19.

“Waxaan ogaanay in Imaaraadku si ku-meel-gaadh ah u hakiyey bixinta fiisooyinka booqashada cusub illaa iyo inta laga sii sheegayo 12 waddan oo ay Pakistan ka mid tahay, ”ayuu yidhi af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Zahid Hafeez Chaudhri.

Sidoo kale Dowladdda imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinta ugu digtay in ay tagaan Dalalka  Turkiga, Iran, Yamen, Syria, Iraq, Somalia, Libya, Kenya, iyo Afghanistan iyo kuwa kale.

Toddobaadkii la soo dhaafey Pakistan ayaa xaqiijiyay in ka badan 2,000 oo kiis oo cusub oo coronavirus ah. Bishii Juun markii kiisaska Pakistan ay sii kordhayeen, Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo joojiyay adeegyada rakaabka. Baakistaan ​​ayaa diiwaan galisay 363,380 xaaladood oo coronavirus ah iyo 7,230 oo dhimasho ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here